Deg Deg:Ciidamada Itoobiya Oo War Aargoosi Ah Ku Dhawaaqay kadib Jabkii Soo Gaadhay?
Ciidamada Itoobiya ayaa ku dhowaaqay in howl-gal ballaadhan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab inay dhowaan ka billaabi doonaan gudaha Soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay ciidmada difaaca qaranka Itoobiya ee loo yaqaan ENDF ayaa lagu xaqiijiyey inuu jiro weerar Al-Shabaab ay sheegatay oo jimcihii lala beegsaday gobolka Baay, waxayna ballan-qaadeen jawaab buuxda.
“Ciidamada Itoobiya waxay diyaarinayaan weerar baaxad weyn oo jawaab ah” ayaa lagu yidhi bayaanka ciidamada Itoobiya.
Bayaanka ayaa dhinaca kale ku gacan saydhay sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ah in 57 Iaskari oo Itoobiyaana lagu dilay weerarka oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay, oo u dhaxeeya Baydhaba iyo Buur Hakaba ee gobolka Baay.
Itoobiya ma aysan shaacin goorta ay qaadi doonto weerarkan ka dhanka ah Al-Shabaab, mana cadda in Amisom ay qeyb ka tahay iyo in kale. Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa ka kooban laba qeybood, qeyb hoos-tagta Amisom, iyo qeyb hoos tagta taliska ciidamada Itoobiya.
Howl-galka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa qoraal usoo saaray sabtidii ku sheegay in weerarka lala beegsaday ciidamada Itoobiya lagu dhaawacay saddex askari
