Deg Deg:Axmed Madoobe iyo Khayre Maxay kawada Hadlen?

Kismaayo{Khaatumonews}Sida ay noo xaqiijiyeen ilo u dhow dhow Axmed Madoobe ayaa shegaayo in qadka talefonka kula xariiray ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre kasoo indhawaale khilaaf xoogan kala dhaxeeyay.

Axmed Madoobe ayaa lasheegay in mudo saacad ah lahadlaayay ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre asagoo ka codsaday in laga tageero dagaalada xoogan ee xiligaan ku qaadi rabo kooxaha shabaab.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ciidamadiisa xiligaan u diyaariyay dagaal saf balaaran ah kasoo degaano shabaab maamulaan looga saari doono.Advertisement

Xasan Cali Kheyre ayaa lasheegaya in ugu jawaabay in lasoo tashan doono madaxweynaha dalka sida laga yeeli lahaa codsigiisa dibna ugu soo celin doono.

Axmed Madoobe ayaa mudooyinkaan khilaaf xoogana kala dhaxeeyay dowlada dhexe oo hogaamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo kasoo gaaray khilaaf heerkiisa aad u sareeyo.