Wasiirada Madaxweyne Deni Oo 10 wasiir ka Koobnan Doona iyo halkay Ka Soo Kala Jeedan.

Waxaa ayaamaha soo socda La filaayaa in madaxweynaha Cusub siciid Abdullahi deni magacaabo Golihiisa wasiirada kuwaas oo aad uga yartiradii hore ee ay Ahaan jireen waxaana ilo lagu kalsoon yahay sheegayaan in goaankaas madaxweynuhu qaatay.Wasiirada ayaa lagu shegay in Tira Ahaan ay noqon doonaan waxaan ka badnayn 10wasiir.

Beesha madaxweynaha ee inta badan lagu kuunyo awoodda puntland ee maxamuud saleebaan ayaa waxaa ay heli doonaan laba Wasiir oo keliya Halka Awal ay lahaayeen in ka badan 6wasiir.

Labada Wasiir ayaa waxaa ilo xogogaal ah khaatumonews.com u sheegayaan waxaa kala qaadan doona Beelaha Cumar maxamuud iyo Ciise Maxamuud Halka qoyska Madaxweyne Deni kazoo jeedo ee Cismaan maxamuud aysan wax Wasiir ah aysan lahaan doonin.

Xogtaan waxaa Ila Wadaagay Mid kamid ah Hawlwadeenada Madaxweyne Siciid Deni.