DAAWO:Sheikh Kenyaawi oo taageero ka helay mucaaradka iyo DF oo balanqaad sameysay.

Kadib markii jimcihii Sheikh Kenyaawi uu kumanaan dad ah kula hadlay garoonka kubbadda cagta ee Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa kooxaha mucaaradka ee dhaliilsanaa marka hore waxay u muujiyeen taageero.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xubno kale oo ka tirsan Mucaaradka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan muxaadarada iscafiska ah ee uu Sheikh Kenyaawi Shalay ka jeediyay magaalada Muqdisho.

“Laba maalmood ka hor ayaan la kulmay Sheekha, waxaana ka muuqday daacadnimo iyo qalbi wanaag, iyo inuusan siyaasad gaar ah ama koox gaara toona uusan la qorshe ahayn”

“Waxaa Muhiim ah in “diiinteena islaamka” oo dadkeenu ay aaminsan yihiin oo kooxo ay ka mid tahay Alshabaab ay magac-dileen in la helo culimo kooxahaas ka Madax banaan oo u darban in diinta gacanta dadka Soomaaliyeed lagu soo celiyo, lana helo culimo dadku ay ku kalsoon yihiin oo wax u sheegi kara” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Dhinaca kale wasaaradda Diinta iyo awqaafka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay kordhin doonaan taageerada culumada Soomaaliyeed ee la hadlaysa shacabka magaalada Muqdisho oo u diyaarsan inay faham buuxa ka qaataan Diinta islaamka

Wasiirka Diinta iyo awqaafka oo la kulmay Sheikh Kenyaawi ayaa mahad u celiyay, waxaana uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay sii wadi doonto muxaadarooyinka mashaa’iqda ka jeedin doonaan magaalada Muqdisho.