Xog:- Maxay tahay ujeedka laga leeyahay in beelaha Dhulbahante saami wayn ay ku yeeshaan Puntland?

Puntland oo dhisan 20 sano wali kama korin nidaamka qaabiilka ah ee ay maamul ahaan ugu dhisan yihiin, wax ku qeybsadaan.

Wey ku adkaatay in sida Somaliland, haba kala sinnaadeene qaabka qaabiilka ee ay ku dhisan yihiin in ay kaga daydaan nidaamka axsaabta badan ee lagu galo doorashada qof iyo codka.

Putland waxa ay ka kooban tahay Gole Baarlamaan, fulin iyo garsoor walow tan dambe aysan si wanaagsan u hana qaadin.

Tusaale Golaha shacabka oo 66 xubnood ah waxaa tirada ugu badan ku leh Dhulbahante (17) halka 31 ay leeyihiin Majeerteen.

Xukumadda ugu yaraan 4 Wasiir ayey Dhulbahante ka helaan, Madaxweye ku xigeen iyo jagooyin tiro badan oo kale.

Sidaas oo ay tahay, waxa ay reer SSC is weydiinayaan iyo bullshada caamka ah hadafka laga leeyahay saamiga xoogga leh hadana ASAL ma doorshaha ah?

Waa dhab daka reer SSC dareenka ay ka qabaan xubnaha ku matala Puntland oo ay wax walba ku waayeen sida kaaramadoodii iyo qiyyimkii ay bulshada ku dhex lahaayeen.

Aniga oo jooga magaalada Laascaanood, xudunta Dhulbahante, waxaan halkan ku cabirayaa dareenka saxda ah ee bulshadaas iyo afar sababood ee gundhig u ah in reerkaas saami aan waxba bedelin oo aan codkooda la maqal uga helaan Puntland, ex Majeerteeniya.

1 – Cayilinta dhulkii la oran jiray Majeerteeniya

Puntland sharcyan (Legally) iyo si muuqata (Practically) waxa ay ka kooban tahay laba gobol iyo bar (Bari, Nugaal iyo Mudug oo bar ah).

Si ay u cayyiliso maamulkaas waxa ay magac ahaan u adeegsataa Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo ay inta badan cag galin Karin.

Waa istaraatijiyad ay ugu talo galeen in ay ku cayiliyaan maamulkooda ama dhulkii loo yaqaanay Majeertinya.

2 – Dagaallada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo waxaa inta badan ka dhaca dagaalo qabali ah oo u dhexeeya beesha Sacad eek a tirsan Habargidir iyo Majeerteen.

Waagii hore, Majeerteen waxa ay dagaalka magac Harti ku galin jireen Dhulbahante iyo Leelkase oo ay ugu sheegan jireen in Hawiye u dhan yahay dagaalka, balse markii dambe u cadaatay in Jifida reer Jalaf ee ka sii baxda Habargidir in aan lagu wehelin dagaalka Gaalkacyo, taas waxa ay keentay in aan Dhulbahante dagaalkaas mar dambe lagu arag maadama ay ceebsadeen in la’isugu tago jifo hoose oo Habargidir ka baxda, magic dil ku tahay Daarood weyne, laakiin wali waxaa ku haray in yar oo ka tirsan ciidamado lagu shego Daraawiish.

Waa mid ka mid qodobkan ujeedooyinka Dhulbahante lagu siiyo xubnaha badan ee aan waxba badali Karin ee Puntland.

3 – Saami qeybsiga Soomaaliya

Waa hadafka ugu weyn iyo halka uu sharaf dhaca Dhulbahante ugu daran yahay. Puntland oo cayilan, weyn waxa ay keentaa in Muqdisho looga helo saami qeybsi siyaasadeed oo ballaaran.

Si Majeerteen ugu gor gortamo jagooyinkaas Muqdisho waxa uu Dhulbahante siiyey xubno badan oo Puntland balse uga go’an Soomaaliya.

Tusaale, waxa ay la dagaalameen maamulkii Khaatumo, waxa ay soo xulaan xubnaha Dhulbahante ku metela Soomaaliya oo reerku ma leh iqtiyaar siyaasadeed.

Taas waxa ay keentay in haddii Hawiye helo Madaxweynaha Majeerteen aysan jirin Mareexaan mooyee cid kula tartanta xilka Raisul Wasaaraha.

Waxaa ka sii yaab badan, haddii ay waayaan Raisul Wasaaraha waxa ay qaataan Wasiirka A-da ah ee xukumadda.

Dhulbahante waa garan waayey haddii Majeerteen Puntland ka yahay Madaxweyne ay iyagu qaataan Wasiirka A-da!

Tusaale, beesha Direed waxaa ugu badan Isaaq iyo Samaroon, marka ay Somaliland ahaan wax u qeybsadaan, Raisul Wasaare ku xigeenka waxaa qaata Isaaq halka Samaroon ay helaan Wasiirka A-da!

Saddexdaas qodob ee aan kor ku soo sheegay waxa ay ASAL u yihiin siyaasadda labada Wajiilenimada ah ee ay Majeerteen kula dhaqmaan Dhulbahante iyo dhoohnaanta SSC.