600 Daawo Video: Sheikh Kenyaawi oo u jawaabay Mahad Salaad “Waa been abuur waxa laga sheegay Abtigeey” | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Daawo Video: Sheikh Kenyaawi oo u jawaabay Mahad Salaad “Waa been abuur waxa laga sheegay Abtigeey”

(Muqdisho) Sheikh Kenyaawi ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya uu bixiyay wuxuu kaga hadlay hadalkii kasoo yeeray xildhibaan Mahad Salaad ee ahaa inuu dhaqaalo ka qaatay dowladda Soomaaliya.

Sheikh Kenyaawi, ayaa horeyn si cad u sheegay inuusan wax dhaqaalo ah ku qaadan muxaadarada uu ka jeedinayo garoonka kubadda cagta ee Koonis, waxaana uu sheegay in Alle dartii ay ka tahay.

Halkan Ka Daawo

Wuxuu ka jawaabay inuu ku milmay siyaasadda Soomaaliya iyo warar kale oo sheegaya in xildhibaan Mahad Salaad uu dil ugu hanjabay, kaasi oo saacadihii ugu dambeeyay baraha bulshada laga hadal hayay.

Sheikh Kenyaawi ayaa sheegay in dad been abuurka ka shaqeeya ay sameeyeen arinta lagu qalqal gelinayo amaankiisa, waxaana uu sheegay in Xildhibaan Mahad Salaad uu yahay Abtigiis, waxaana uusan kala kulmin.

Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta hadba xaaladda taagan ku hal qabsadaan, isagana uu soo  dhexgalay arin taagneyd oo ah khilaaf u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka.

“Mahad Salaad waa Abtigey, iimana hanjabin mana laga yaabo dad been abuurka ka shaqeeya ayaa isku keenay sawirkiisa iyo keyga, iyaga oo bastoolad soo dhexgeliyay, meelo badan ayaa laga iga soo wacay oo dadka wey aamineen, Waa been anigaa idiin xaqiijinayo”ayuu yiri Sheikh Kenyaawi.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa dhankiisa shaaciyay inuu cafiyay Sheikh Kenyaawi oo ay isku weerareen baraha Bulshada.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...