600 Ciidamada Dowladda Somaaliya oo xoog kusoo furanaya caruur ay afduubteen Al Shabaab & Dhaqdhaqaaqyo socdo | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Ciidamada Dowladda Somaaliya oo xoog kusoo furanaya caruur ay afduubteen Al Shabaab & Dhaqdhaqaaqyo socdo

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay qaadayaan weerar qorsheysan oo ay doonayaan iney kusoo daayaan caruur badan oo ay sheegeen inay afduubteen Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay ka warhayaan in ciidamada Alshabaab ay afduubteen caruur badan oo ay doonayaan inay askareeyaan ama lacag ku badashaan, islamarkarkaana ay kasoo furan doonaan.

Cabdulaahi Maxamuud Ugaas abaanduulaha ciidamada dowladda ee gobolka Bakool ayaa sheegay in caruurtaasi Al Shabaab ay ku hayaan deegaan u dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool.

“Waxaa la sheegay in 70 ka badan oo ciyaal ah inay ku heystaan meel sagaal KM inoo jirta, labo maalin ka hor ayay bilaabeen inay caruurta Afduubtaan, waxay ku gorgortamayaan Kun doolar, mana aqbaleyno in la dhiibo anaga ayaa soo furan doono”ayuu yiri abaan duulaha.

Wuxuu sheegay inay ciidamada hadda wadaan abaabul ay kusoo furanayaan caruurtaasi uu sheegay inay Al Shabaab qafaasheen.

“Waxaan balan qaadaneynaa meel kasta oo ay la aadaan inaan la aadi doono, waan ku raad joognaa, haddana ayaana bilownay dhaqdhaqaaqyada ciidamada ku doonayaan inay caruurtaasi kusoo furtaan”ayuu yiri Korneyl Ugaas.

Marka la yimaado hadalka saraakiisha ciidamada dowladda, waxaa deegaanka maalmihii ugu dambeeyay ka taagnaa cabasho ay muujinayeen dadka deegaanka oo ah in laga qafaalanayo Al Shabaab si lacag loogu helo caruurta.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Labo Nin oo Jeelka Laascaanood Lagu Kufsaday
- Jan 13, 2021
Waxaa Ka taagan magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka sool dhacdo la yaab leh oo naxdin ...
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Buuhoodle iyo xaalada Oo Kacsan
- Jan 13, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka dhacay Dil salka ku haya dil dhawaan Ka ...
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...