Axmed Karaash iyo Farmaajo maxay kaga hadleen kulankoodi qarsoodiga ahaa ee kadhacay Baydhaba.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Baydhabo kula kumay madaxweyne ku xigeenka dowad goboleedka Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii ay uwada shaqeeyn lahaayeen Puntland iyo dowlada dhexe.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa uu madaxweyne Farmaajo la qaatay xubo kale oo katirsn madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balan qaaday in uu xoojin doono wadashaqeeynta madaxda maamul Goboleedyada iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Farmaajo ayaa Axmed Karaash usheegay in Dowladda dhexe ay soo dhawaynayso qolyaha dowlad goboleedyada islamarkaana aysan ogolaan doonin in maamul goboleedyada ay udhaqmaan sidii hogaamiye kooxeedyo.

Dhowaan magaalada Baydhabo waxaa ka dhacday xaflad lagu caleema saarayay madaxweyne cusub ee Koonfur Galbeed Lafta Gareen.

Waxaa xusid mudan in madaxweynayaasha Gal-Mudug iyo Jubbaland ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe aanay ka qeeybgalin xafladii caleemasaarka ee Baydhabo .