Deg Deg:Maaamulka Somaliland oo hay’ad TURKISH ah ka cayrisay deegaanadeeda

Maamula Somaliland ayaa deegaanadeeda ka saartay hay’ad uu lahaa siyaasiga Turkiga ah ee Fethullah Gulen oo  lagu eedeeyay inqilaabkii fashilmay ee Turkiga ka dhacay sannadkii 2016.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, oo dhawaan safar ku yimid magaalada Hargeysa, lana kulmay Madaxweyne Biixi, ayaa Somaliland uga mahadceliyay cayrinta haya’daas oo uu magaceeda ku sheegay FETO.

Waxaanu soo dhaweynaynaa in Somaliland ay deegaankeeda ka saartay Hay’adda FETO, waxaana la wareegtay Hay’adda Maarif Foundation maamulka dugsiyadii ay ururka FETO ku lahaa dalalka caalamka,” ayuu yidhi Danjire Mehmet Yilmaz.

Turkiga ayaa wadaadkan iyo ururadiisa u aqoonsaday argagixiso tan iyo wixii ka dambeeyay inqilaabkii fashilmay.