600 War Deg Deg Ah:Jidka Isku Xidha Jabuuti iyo Itoobiya Oo Xidhan sababta Ogow? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Jidka Isku Xidha Jabuuti iyo Itoobiya Oo Xidhan sababta Ogow?

ibadbaxayaal ka soo jeeda Maamul-gobaleedka Cafarta ee Itoobiya ayaa toddobaadkan xidhay Waddada halbawlaha ah ee isku xidha Ethiopia iyo Jabuuti,. Jidkan ayaa ah jidka ugu weyn ee ay maraan badeecadaha ka soo dega ama laga dhoofinayo Djibouti ee ay Itoobiya leedahay.

Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa magaalladda Addis Abeba ayaa qoray inay Dibadbaxayaasha Cafarta codsanayaan in la soo af-jaro waxa ay ku sheegeen shilal rabshado wata oo ay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay ka dhacay deegaanadooda kuwaas oo ay ku eedaynayaan qoomiyada Soomaalida.

Dibadbaxayaasha waxay sheegteen in rabshadahaasi lagu dilay dad badan oo Cafar ah, isla markaana hanti badan la burburiyey. Wargeyskan ayaa soo bandhigay sawiro laga soo qaaday dadkaas gadoodsan oo xidhay jidkaas.

Wakaalada wararka ee Reuters, ayaa iyaduna shalay baahisay kacdoonka cafarta iyo sida ay u jareen jidkaas halbawlaha ah.

Waxa jira kacdoon qoomiyadaha ah oo ka socda Itoobiya, kaas oo saamayn ku yeeshay ammaanka guud ee Itoobiya. Kacdoonadan ayaa sidoo kale waxay caqabad ku noqdeen isbedeladii uu waday raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaana isa soo taraya iska horimaadyada ka socda gudaha Itoobiya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...