600 Deg Deg:Al-Shabaab oo xalay saddex jiho ka weeraray degmada Afgooye & dagaalo ka dhacay | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Al-Shabaab oo xalay saddex jiho ka weeraray degmada Afgooye & dagaalo ka dhacay

Dagaalo ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay gudaha iyo hareeraha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kuwaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-Shabaab.

Sida warku sheegayo dagaalada ayaa yimid ka dib markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay saddex jiho ka soo weerareen degmada.

Goobaha ay Al-shabaab weerarada ku soo qaadeen ayaa waxaa ka mid ah Buulo-fooliyo, Mukayga iyo Buundada yar, iyadoo dhamaan goobahaas ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada milateriga dowlada.

Shacabka degmada Afgooye ayaa sheegay iney maqlayeen rasaas culus iyo qaraxyo ay labada dhinac isweydaarsadeen, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay oo socday ku dhowaad labo saacadood.

Xaalada degmada afgooye ayaa saaka degan, waxaana gacanta ku haya ciidamada dowladda, mana ahan markii ugu horeysay ee Al-shabaab ay weerar noocan ku soo qaadaan degmadan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Farmaajo Si Rasmi Ah Gedo ugu Wareejinaya Axmed Madoobe,
- Jan 18, 2021
Dawlada Fadaraalka ah ee soomaaliya, ayaa wada qorshe ay Gobolka Gedo ugu wareejinayso Maamulka ...
Deg Deg:Ciidanka Itoobiya Oo Buuhoodle Ku Xidhay 40 oday,
- Jan 18, 2021
Xaalada Magaalada Buuhoodle, ayaa saaka kacsan kadib isfahan waa ka dhashay dilal ka ...
Deg Deg Daawo; Xildhibaan Mahad Salaad Oo Eedayn U Jeediyey Farmaajo
- Jan 18, 2021
Xildhibaan Mhada Salaad Oo kamid Ah Xildhibanada Dawlada FedraalkaA Soomliya Ayaa Eedayn Kulul U ...
Daawo:Shir Buuhoodle Ku Dhexmaray Garaad Cabdirisaaq iyo Saraakiil Itoobiyan ah Iyo Hanjabaad Ay diren,
- Jan 17, 2021
Garaad Abdirisaaq oo Kulan Gaar ah la Qaatay Wafti ka socda Dawlada DeegaankaSoomaalida itoobiya ...
Deg Deg Daawo::Puntland Oo Soo Bandhigtay Ciidankii Dib u Qabsan Lahaa Sool,
- Jan 17, 2021
Xukumadda Madaxweyne Siciid Deni ayaa Labadi Sane ugu danbysay waday Qorshaha dhisme ciidan ...