Deg Deg Daawo Video:Madaxweynaha kenya Oo Hada War Culus Oo Ku Dhawaaqay?

Madaxweynaha dowlada Kenya Uhuru Kenyattta ayaa goor dhow ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyay weerarkii ka dhacay magaalada Nairobi, lana laayey dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kenyatta oo ka hadlayey xarunta madaxtooyada Kenya ayaa sheegay in koox dembiilayaal argagixiso ah ay weerar ku qaadeen shalay xarunta Dusit ee magaalada Nairobi, ayna dileen 14 qof, qaar kalena dhaawaceen.

Dad ka badan 700 qof ayuu sheegay in laga badbaadiyey dhismaha la soo weerarray, wuxuuna u mahad celiyey ciidamada Kenya oo jawaab degdeg ah ka bixiyey weerarka, isagoo tacsi u diray dadka ku dhintay.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay inay ka go’an tahay burburinta iyo dagaalka ay kula jiraan argagixisada, weerarada noocan ahna aysan ku qasni doonin iney u hogaansamaan wax uu uguy yeeray argagaxisada.