Garoowe(Khaatumonews)Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Jiidaha dagaalka ee Gobolka Sool, Iyadoona la sheegay in askarta kasoo jeeda beesha Cumar Maxamuud (Majeerteen) ka soo bexeen jiidaha dagaalka ee God-qaboobe.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Ciidankan ayaa qeyb ka ahaa ciidamada Puntland ee qaabka maleeshiyo beeleed ahaanta ugu kala jira aagagga dagaalka ee ay uga soo horjeedaan ciidamada Somaliland.

Sida wararku sheegayaan Ciidanka ayaa qeyb raacday markii uu Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas aaday gobolka Mudug maalmo kahor doorashadii Puntland, iyagoo aaan dib usoo Noqon Aaggii ay jiidda kaga jireen waxa ayna sababtay in ay ka daba tagaan intii kale ee beeshaas (Cumar Maxamuud) dagaalka uga jiray.

Ciidanka ka baxay goobihii dagaalka ayaa la sheegay inay horay usii qaateen dhammaan tiknikadii meesha ka yaalay oo lagu sheegay ilaa iyo 15 3F , laba qoriga suugga ah iyo hal Kaare.

Arrintan ayaa la sheegay in ay sabab u tahay guuldaraddii Cabdiweli Gaas ka soo gaartay doorashadii Puntland ee lagu doortay Siciid Cabdullahi Deni.

Si kastaba ha ahaate Puntland tan iyo markii uu Cabdullahi Yusuf (AUN) aaday Koonfur, xilligaas oo uu hore u sii kaceystay ciidamadii daraawiishta ee Puntland, maamulka ma yeelan ciidamo dambe oo tiro iyo tayo leh.