Deg Deg: Qarax ka dhacay nairobi iyo Rasaas xoogan oo la maqlayo

 (Kaatumo News)Wararka kaimanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Laba Qarax xoog leh laga maqlay deegaanka ku yaal Westland gaar ahaan Dusit Hotel.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in rasaas xoog leh laga maqlayo halkaa iyadoo aan la ogeyn cida is rasaaseynaysa.

Gaadiid gaaraya saddex ayaa wararka sheegayaan in la arkayo iyagoo gubanaya waxayna dhismayaasha ku yaal halkaa ay sheegeen in dad aysan aqoon ay soo weerareen

Halkan ka daawo

“Qarax ayaa billowday, kadibna waxaa xigay rasaas xooggan. Rasaasta ayaa hadda socota ” waxaa sidaas yiri qof ku sugan dhismaha rasaasta laga maqlayo.

Ciidamo fara badan ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, mana cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.