Warar diblomaasiyadeed oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay inay dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka diqmuraadiyadeed ee maamulka Somaliland ay indhaha ku hayaan khilaafaadka u dhexeeya xisbiyada siyaasadda ee ku salaysan doorashada golaha wakiilada.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wararku waxay xaqiijiyeen inaanay dalalka beesha caalamka ee uu fadhigoodu yahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya soo dhawayn inay labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID, galaan doorasho aanu qayb ka ahayn xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Sida ay sheegeen wararkan dalalkani waxa ay u xilsaareen  isu soo dhawaynta xisbiyada siyaasadda ee Somaliland labada safiir ee soomaaliya ee dalalka Maraykanka iyo Sweden oo xidhiidho kala duwan la soo sameeyay dhinacyada uu muranka siyaasiga ahi ka dhexeeyo., kuna guubaabiyay inay khilaafaadka taagan ka gaadhaan isfaham.

Warkan ayaa imaanaya xili dhawaan gudoomiyaha xisbiga wadani ku tagay safar siyasadeed Kenya kulana kulmay madax sare oo kamid ah dalalka dhaqaalaha siiya maamulkaasi.