Isimada Dhulbahante Oo Wali Ka Mushxaradaya Garoowe iyo Gobolka Cayn Oo Dhankasta Colaad Ka Aloosan tahay.
Bishan aan ku jirno ee Sanadka cusub iyo bishii ugu danbeysay ee sanadkii hore 2018 labada bilood ee isku xigay gobolka cayn waxaa ka dhacay dilal dhimasho ahaan ay gaadhayso ilaa shan ruux iyo dhaawac ilaa laba qof ah.
Beelaha Maxamuud Barkad iyo cali gari ayaa isku cakiran xiligan oo ay taagan tahay xiisad colaadeed oo ka dhex curatay kadib dilal is xigxigay oo ka kala dhacay buuhoodle iyo soone dandan
Xiisada oo tagan ayaa xalay hadana deegaanka gocondhaale ee gobolka cayn waxaa ka dhacay dilal daba socday Dilal hore uga dhacay gocondhaale oo aan cidi xalin kuwaaso u dhexeeyay Beelaha hayaag iyo Hagar.
Labada mashaqe dhacay ilaa hada cid dhex gashay majirto beelaha waxana xaaladu tahay mid aan la saadaalin karin.
Ardayada Hagar Barkad r iyo Hayaag Ayaa ciidamo urursi iyo Abaabul dagaal xiligan wada sidoo kale waxa ka sii daran beelaha Maxamuud Barkad iyo cali gari oo iyana wada mudo hada bil ku dhow abaabul xoogan.
Waxaa is weydiin leh tolow cuqaashi iyo isimadii dadkan is dooxanaya doorten ma waxaa ay ka doorbiden kala badbaadin dadkooda inay garoowe ka mushxaradan oo soo dhisan maamulka puntland.?
