Wararka ka imaanaya deegaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay ciidamo kamid ah kuwa difaaca Puntland ee ku sugan deegaankaasi.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Qaraxani oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ciidamadan lagula eegtay halka loo yaqaano Bali Qadar oo ku taala Buuraleyda Galgala, waxaana ku dhintay hal askari waxaana ku dhaawacmay sida aynu wararka ku sheegayaan saddex askari oo gaadhiga ay saarnaayeen uu qabsaday qaraxaasi.

Wararka ayaa waxa ay intaas kusii darayaan in dhaawaca askartaasi la geeyay cisbitaal ku yaalla magaalada Boosaaso, waxaana lala tacaalayaa xaaladooda caafimaad.

Isku soowada duubo Ciidamada Puntland ayaa waxa ay Galgala kula dagaalamayaan xoogaga Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana badi Shabaab ay ciidamada Puntland ay la beegsadaan qaraxyada noocan oo kale ah.