Deg Deg:Dawlada Uk Oo Ergay Usoo Magacowday Maamulka Somaliland iyo Farmaajo Ka Aamusan Dhacdadii labaad.

Dawladda Uk ayaa Maamulka Somaliland u soo magacowday ergey cusub, kaas oo bedeli doono haweenay Ingiriiska wakiil uga ahayd Somaliland oo fadhigeedu ahaa Hargeysa.

Warar aanu helnay ayaa xaqiijiyay in ergayga cusub magaciisu yahay Stuart Brown, waxaanu bedeli doonaa Rosie Tapper oo madax ka ahayd xafiiska Ingiriiska ku leeyahay Hargeysa.

Rosie ayaa loo bedelay inay madax ka noqoto qaybta siyaasadda ee safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee Ciraaq.

Ergaygan cusub ayaa toddobaadka dambe soo gaadhi doona magaalada Hargeysa oo uu joogi doono labada sannadood ee soo socda, waxaanu xidhiidhin doonaa maamulka Somaliland iyo Ingiriiska.

Toddobaadkii hore waxa magaalada Hargeysa yimi xoghayaha gaashaandhigga UK, Gavin Williamson oo la kulmay Muuse Biixi Cabdi iyadoo ilaa hada dawlada soomaaliya aysan ka hadal fara galinta cad uk ku hayso dalka soomaaliya.