600 Deg Deg:Daacish Oo Ku Muransan Baahinta Muqaal ay Boosaaso Ka duuben | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Daacish Oo Ku Muransan Baahinta Muqaal ay Boosaaso Ka duuben

Khaatumonews.com  ayaa ogaatay in kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ay ku muransan yihiin,baahinta muuqaal laga duubay dad ay ku laayeen gudaha magaalada Boosaaso.

Madaxda sare ee kooxda Daacish ayaa isku’ khilaafsan, in ay soo bandhigaan muuqaalkan oo ay ka duubeen,dilka ganacsato iyo saraakiil ka tirsan laamaha canshuuraha Boosaaso,sida ay xogtani sheegayso.

Xubno ka tirsan Daacish ayaa go’aansaday in ay muuqalkan faafiyaan,si ay taageero dheeri ah uga helaan Daacishta ku sugan dalalka Carabta,hase yeeshee xubno kale ayaa sheegay, in haddii muuqaalkan la baahiyo uu sababi doono kacdoon iyaga ka dhan ah oo Boosaaso ka bilowda.

Xubnaha diiddan in muuqaalkan la baahiyo, ayaa tusaale u soo qaatay, dhibaatadii ay kala kulmeen,markii ay muuqaallo ka duubeen dad ay ku laayeen magaalada Muqdisho,taasi oo keentay in Al-shabaab ay ugaadhsi ku bilowday xubnihii Daacish ee Koonfurta Soomaaliya.

Kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo wadaadka Cabdulqadir Mu’min ayaa ku dhuumaalaysta buuraleyda koonfurta ka xiga degmada Qandala ee gobolka Bari,tan iyo markii ay ku dhawaaqeen, in ay daacad u yihiin ururka Daacish ee dalalka Carabta.

Xogtan ayaa Khaatumonews ka heshay ilo’ kala duwan oo codsaday in aan magacyadooda iyo codadkooda midna la baahin sababo amni-darteed.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Faysal Cali Waraabe”Hargaysa Gudaafad Bay Noqotay
- Jan 24, 2021

Deg Deg::Dawlada Somalia Shuruud Adag ku xidhay Jubaland iyo Puntland,
- Jan 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya ...
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021