Maamulka somalilland ayaa xaqiijisay jiritaanka war uu dhawaan Geeska Afrika baahiyay oo ah inay dawladda Soomaaliya Ingiriiska u gudbisay dacwad ka dhan ah socdaalkii uu toddobaadkii hore Hargeysa ku yimid xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo Geeska Afrika waraysi gaar ah siiyay ayaa sidoo kale wuxuu beeniyay inay dawladda Ingiriisku maamula Somaliland weydiisatay saldhig milatari. Wasiir Faratoon oo ugu horayn ka jawaabaya waxa ka jira wararka sheegaya in Ingiriisku doonayo inuu saldhig milatari ka samaysto maamulka Somaliland, wuxuu yidhi “Saldhig Milatari oo uu Ingiriisku inaga doonayo si uu dalkeena uga samayso ma jirto, ma garanayo wararkaasi halkay ka yimaadeen.”
Wasiirka oo la weydiiyay inay dawladda Soomaaliya dacwad ka gudbisay socdaalkii uu xoghayaha gaashaandhiga Ingiriisku ku yimid maamulka Somaliland, wuxuu yidhi “Way jirtaa Dacwadani,laakiin maaha Dacwad ay cid wax ku yeelayso Soomaaliya, waa iska hadal uun, Dawladda Soomaaliyana waxa dhaqan iyo caado ay ka dhigatay inay Somaliland daba socoto, laakiin waxba Somaliland ku yeeli mayso, waxbana inagaga qaadi mayso.”
