Dab khasaare dhaliyay ayaa xalay ka kacay suuqa Bakaaraha ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaa uu dabka qabsaday qeybo kamid ah Suuqa gaar ahaan goobta lagu iibiyo dharka celiska ah ee Hudheyda.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ku sugnaa Suuqa ayaa BBC u sheegay in dabka uu baabi’iyay hanti badan oo ay laheyd ganacsatada isla markaasna ay xakameeyeen in dabka uu kusii fido guud ahaan Suuqa.

Tuulax wuxuu sheegay in qeyb badan oo kamid ah Suuqa uu gubtay balse inta ay ogyihiin aysan jirin dadka ku dhintay dabka.

By Liiban