Qorlaakan waxaa kalifey in aan qoro waa jacaylka aan u qabo dhulkeyga, waxaan aad u jeclahay horumarkiisa, nabadgelyadiisa iyo inaanu kuwo nacab u ah moodin garab islamarkaana ragii bohosha hore ugu riday aanay nmar labaad aaminin, waxaa la yiraahdaa taariikhdu waa macalin waana tusaale wax ku ool ah.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

18 sano ayaa laga jooga dagaalkii ka dhacay puntland ee Dhuudo una dhexeeyay Xukumadii Cabdilaahi yuusuf iyo Beesha Cismaan maxamuud Oo Xiliga U Hogaaminaayay Cade Muuse.

Dagaalka dhuudo ayaa yimid Kadib markii 27 Juun 2001 Ay Ku Dhawaaqen Barlamaankii Xiliga ee puntland in ay mudo sadex sano ah ugu daren xukumada cabdilaahi yuusuf taaso sababtay in Cade Muuse iyo Xulufo u wata ay kacdoon ka bilaaban Gobolka Bari.

1-dii Luuliyo 2001 waxaa ku dhawaaqey in uu yahay Madaxweynaha kumeelgaarka ah Guddoomiyihii maxkmadda sare Dr.Yusuf Xaaji Nuur, xaalka ayaa cirka isku shareeray, waxaa Garoowe ku soo qulquley Isimadii soo jireenka ahaa ee Puntland dhidibada u taagey Sida, Boqor Maxamuud Boqor Muuse, Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi, Beeldaaje Cali Beedlaaje Faarax, Garaad Cabdiqani, Islaan Maxamed Islaan Muuse, Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo qaar kale oo badan, waxaana shir u socdey muddo ay ka soosaareen in ay u aqoonsan yihiin Dr.Yusuf Xaaji Nuur Madaxweynaha ku simaha ah, go’aankaas ayaa soo baxay 25 July 2001, waxaana ay siiyeen muddo 30 cisho ah in lagu soo doorto Madaxweyne rasmi ah. 27 Juun 2001 waxay ahayd maalintii baarlamaankii xiligaas,

Waxaa go’aankaas si weyn u soo dhaweeyey maamulkii gobolka Bari gaar ahaan ciidankii dekadda Bosaso, Col.Cabdullaahi Yusuf qiime weyn ayaa gobolka Bari ugu fadhiyey, waxaana uu cidla ka dareemay caasimaddii Puntland, kadib markii loo diidey in uu u dabaaldego 01-da Agoosto 2001, lagana carqaladeeyey, waxaana looga gacan haadiyey gobolka Bari.


5-tii Agoosto 2001 Col.Cabdullaahi Yusuf oo horkacaaya horin ciidan ah oo u badan dhulbahante waxay gudaha u galeen magaalada Bosaso, waaberigii markii indhaha la kala gooyey ayuu dagaal ku qaadey ciidankii fadhiyey garoonka diyaaradaha ee tageersanaa go’aankii Isimada, dagaalkaas waxa uu ahaa bilowgii dagaalo dhawr ah oo ilaa lix dagaal oo ka dhacay Boosaaso, Garowe, Muqlataagtaag, Alxmadulilaah, Kaladhacda iyo Dhuudo, waxaa dagaaladaas ku dhintey dhalinyaro laba boqol ku dhaw oo gunaanadkii cabdilaahi yuusuf iyo ciidankii u badnaa dhulbahante ay guul ka gaadhen islamarkaana ay jabhadii cade ee la baxday
GBP  laga saaray guud ahaan gobolada puntland lana geeyay duleedka ceel afweyn.

Hadaba wixii intaas ka danbeeyay iyo Garab siintii Dhulbahante garab siiyay Cumar maxamuud iyo majeerten intiisa kale waa Heshiiyen Cade iyo Cabdilaahi yuusuf 17.05.2003 talada puntland waxaa qabtay dhamaadkii 2004 Cade muuse Isagoona Mudo ka yar Sadex sano U Gacan Galiyay Laascaanood Somaliland isagoo aargoosi Ay ula muuqatay cade In uu laascaanood u gacan galiyo somaliland.

waxaan Kusoo Xidhaya qoraalkan Masuulkii Kaste ka yimaada Qardho ee Qabta Talada Puntland Maaha mid iloobay Dhuudo iyo sidii Dhulbahante ugu Gumeeyay Majeerten intiisa kale Cismaan Maxamuud,hadii dhulbahante aad iloowday adigu macnaha ama Dulucda qoraalkani waa Madaxweyne Dani ha uga fadhiyin Xoreen iyo in uu dhiig u dadiyo Sool ama dhulbahante talo iyo fici toona.

BY Cabdi Artan