600 DEG DEG:Madaxweynaha Turkiga oo digniin u diray dowladda Mareykanka | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

DEG DEG:Madaxweynaha Turkiga oo digniin u diray dowladda Mareykanka

Madaweynaha Turkiga ayaa gaashaan u daruuray hadalkii Mareeyknaka ee ahaa in dalkiisa uu difaaco dagaalyahanada Kurdiyiinta ee Suuriya.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in warbixinta la talihaya dhanka aminga ee Mareykanka John Bolton ay tahay mid aan la aqbali karin.
Mr Bolton ayaa ku sugnaa magaalada Ankara si uu Turkiga kaga xaqiijiyo badqabka dagaalyahanada Kurdiyiinta ee la dagaalamay ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka, kadib marka ciidamada Mareykanka laga soo saaro dalka Suuriya, Turkiga ayaa YPG u a aqoonsan in uu yahay urur argagixiso.

Mr Erdogan ayaa maalintii Talaadada ahayd xildhibaanada xisbigiisa talada haya u sheegay in uusan aqbali Karin oo aysan ka dagayn farriinta Mr Bolton.

Waxa uu yiri Mareykanka ma garanaya cilaaqaadka ka dhexeeya kooxaha kala duwan ee Kurdiyiinta.

“Haddii uu Mareykanka Kurdiyiinta u arko walaalihis oo kale’ markaa aad ayay u qaldan yihiin.” ayuu yiri Mr Erdogan

Mudane Erdogan waxa uu YPG u arkaa in ay xiriir la lee yihiin xisbiga Kurdiyiinta ee laga mamnuucay Turkiga ee PKK, inkastoo YPG ay iska fogeeysay in xiriir toos uu ka dhexeeyo iyaga iyo PKK.

Saraakiisha Mareykanka waxaa lagu war galiyay in Mr Erdogan uusan la kulmi Karin Mr Bolton sabtoo ah waxaa jiray olole doorasho deegaan iyo khudbadda madaxweynaha ee baarlamaanka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Buuhoodle iyo xaalada Oo Kacsan
- Jan 13, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka dhacay Dil salka ku haya dil dhawaan Ka ...
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...