Deg Deg:Ciidanka Puntland Oo Ka Baxay Jiida Tukaraq iyo Asad Diyaano Ka hadlay

Ciidamada Puntland Ee ku sugan Jiida Hore Dagaalka ayaa Goordhaweyd Ka Baxay Jiida Hore Tukaraq.

Ka Bixitaanka ciidankan Ee jiida waxaa ka hadlay General Asad Diyaano oo qoraalkan Hoose Soo Dhigay Bartu ku leeyahay Facebook.

‘Waxaan si xushmadi kujirto uga codsanayaa Ciidanka Difaaca Puntland ee kasoo baxay Furimaha Cadowga ay ku hor fadhiyeen Inay ku laabtaan Xarumahoodii hore wixii tabasho ama Sheegasho ah Waa lagala hadlayaa lagana qancin doonaa.

‘Dalka inagaa leh madaxweyne walba oo yimaadana asagaa Hogaaminaya waajibna tahay in lala shaqeeyo, walaalayaal Guud Ahaan Ciidanka Difaaca Waxaan leeyahay haddii Qofkaa Taageerada u ahaydeen ama Masiirka dalka samatabixintiisa u arkayseen aan La dooran maahan inaa Cadowga aad hor taagnaydeen kahor wareegtaan.

‘Waxaan rajaynayaa inaan Kulan deg deg ah La qaato Ciidanka Soo baneeyey Furimaha dagaalada Isla markaasna tabashadooda dhagaysano, Sidoo kale Dowladda Puntland Iyo madaxweynaha Cusub Waa muhiim Inay dhagaystaan Ciidanka Sheegashadooda.