Marka Hore Waa Salaamantihiin Bulshada soomaaliyeed Ee ku xiran Wargayska Khaatumonews.com Intaasi kadib waxaan halkani kusoo gudbinaya maqaal kooban oo aan uga hadlaayo arrimo ay kamid yihiin hungadi cali khaliif galaydh kala yimid Hargaysa iyo Hungada Kale Cali Ciise cabdi kala yimid Garoowe.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Bulshada SSC ama Khaatumo saan og nahay waa bulsho culays siyaasadeed saaran yahay kaaso in la iska dulqaada ay ku imaan karto go aan si dhab ah uga yimaada bulshada SSC.
Reer Khaatumo waxaa ay Lahaayen Madax magac iyo maamus ku leh caalamka oo ay kamid ahaayen Dr cali khaliif Galaydh iyo Dr Cali Ciise Cabdi,labo cali waxaa ay ahaayen Ragii lahaa qorshayaasha SSC iyo Khaatumo iyo in Dhulbahante u midoobo talo ka madax banaan Jaarka Sida Somaliland iyo puntland.
Madaxdeenii waxaa taladaa ku waa faqay 13 Isim waxaa kalo ku waa faqay in ka badan 99 boqolkiiba bulshada SSC.
Wixii intaas ka danbeeyay waxaa la sameeyay SSC oo ahayd Jabhad Ciidan Waxa hogaamiye looga dhigay Cali Sabarey iyo Dr Xaglo toosiye Sanadkii 2012 ayaa SSC loo Rogay maamul Nasiib daro Madaxdii SSC Mid kamid ah OO Xaglo toosiye ahaa waxaa uu Misaankii Uu kulaha Umada Khaatumo Hargaysa kaga Helay Xil yar oo wasiirnimo halka cali sabareyna uu noqday Shaqsi ilaa hada U taagan Go aankiisi.
Maamulkii Khaatumo La sameeyay waxa Soo maray Sadex Mdaxweyne Madaxweyne Axmed Karaash.Madaxweyne Biindhe iyo Madaxweyne Indho Sheel labo kamid ah Madaxweynayaashii Khaatumo oo kala ah Biindhe iyo karaash waxaa ay Misaankii iyo qadiyadi Khaatumo ku badashen wasiiro puntland ah waxaana khaatumo ka soo Hadhay Indho Sheel.
Halkaasi Markay marayso xaajo oo shacabka Khaatumo dhabanada hayaan Maalinkastana Tareenka Uu Ka hadhaayo Xubin ay mudo jeclaayen waxaa khaatumo dib madaxweyne loogu doortay 2014 saaxdheer Dr Cali khaliif galaydh waxaana uu ahaa madaxweynihii ugu miisaanka cusla uguna Da’da weyna Madaxda.
Doorashadii Cali khaliif waxaa shacabka SSC Khaatumo ay Dareemen In Nin Rugcadaa ah loo dhiivay xilkii islamarkaana uu maanta samatobixin karo Khaatumo,
Cali khalif mudo hadii uu joogay muusan samayn wax horu usocod ah balse intaas shacabku waxaa ay ku qanacsanaayen In uu yahay nin geedka hoostiisa u jiifa danta SSC mudo laba sano kadib ah cali khaliif galaydh waxaa uu bilaabay xirfad iyo wado ka duwan Wadadii Hargaysa iyo Garoowe ay U Maren Biindhe.Karaash,Xaglo,wuxuuna miiska soo saaray wadahadal aynu dhulkeena kaga kicino Somaliland shacabkii cali khaliif kalsoonida boqolkiiba 70 ayaa kala laabtay markuu keenay qorshaha wadahadalka iyadoo ugu danbayntiina cali si sahlan ula galay maamulkii Khaatumo Caynaba halkaasna waraaqo kula saxeexday Siilaanyo sheenayna in ay Midooben iyadoo cali khaliifna rajo ahayd somaliland loo dhan yahay uu ku galay hargaysa kuna soo hungoobay.
Cali khaliif markuu maray wadadii Hargyasa maamulkii Khaatumo ahaa waxa madaxweyne KU meel gaadh ah loogu magacaabay Mudane Cagalule oo ilaa hada Ah madaxweynaha khaatumo.
Shacabka khaatumo wixii intaas ka danbeeyay Afkiiba juuqda gabay ileen 80 jirkoodiiba La yimid Siyaasad Dhadig ah.
Xaalada Khaatumo oo xidhan waxaa Masraxa Siyaasada Puntland Hal mar ka soo Muuqday Cali ciise Cabdi oo ahaa Xidiga kaliye Reer Khaatumo dhanka Magaca iyo Siyaasada gaamurtay U Hadhsana calina waxaa uu Garoowe Is keenay isagoo leh Waxaan Doonaya Puntland Loo Dhan yahay Balse Nasiib Xumo Waxaa ay dhashay Puntland Loo dhan yahay Hal Cod oo u ka helo Golaha Barlamanka Puntland oo 17 kamid ah Yihiin reer Khaatumo,
Laba Cali waxaa ay Kala soo laabten Sibraaro madhan Hargaysa iyo Garoowe oo shacabka Khaatumo aysan u Dirsan isimadii SSC-na waxaa ay Noqden Kuwo xalaashada Waxaan Dani ugu jirin Dadkooda Shacabkiina waxaa u noqday Mid Ku Jaah Wareera Duufanada Siyaasada wax ay aaminan iyo waxay iska ilaaliyan kala Garan Waaya.
Maxaa Inoo Dan Ah?
Waxaa Inoo Dan ah Iyadoo la helo Siyaasiyiin Dayar oo leh Siyaasad Lab Oo Kamidha dhaliya Hadafka Khaatumo kaliyana Ka Go an tahay inay U tashadan Deegaankooda sidoo kalana waxaa Muhiim ah In Isbadelka Siyaasadeed ee Reer Khaatumo Dibad joog ay Ka noqdan Isimada 13 Ah iyo Siyaasiyiinta ka soo Go’ay Gidaarada Hargysa iyo Garoowe.
Ugu Danbayn waxaan Kusoo Koobaya Hadii laba Cali cidlo noqden Ha ina Dayso Siyaasi gaamuray iyo waa waayo arag kalinaya waxaa u furan Jiilka Yaryar ee Reer Khaatumo inay Sameeyan Isbadel aan marnaba Gorgortan Lagala galin Masiirka SSC Kaliyana KU Mayal adeega Ka Midho dhalinta Xoreenta iyo Mideenta SSC
Qore Cabdi Artan
Tell +25263-4604001
