Deg Deg:Xasan Sheikh Oo Hambalyo U diray Dani.

Madaxaweynihii Hore Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud ayaa Hambalyo udiray Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Siciid Cabdilaahi Dani.

Xasan Sheikh Oo ka hadlaaya doorashada Maanta ka dhacday puntland ayaa yidhi’Waxaaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni. Doorashadda maanta dhacday, waxay caddeyn u tahay sida Puntland u dhaqaaqday iyo horumarka la gaaray.

Waxay sidoo kale tilmaam ka bixinaysaa sida shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland ugu bisil-yihiin dimuqraadiyadda iyo dowladnimada, 
Waxaan Madaxweynaha cusub u rajeynayaa in uu Alle la garab galo gudashada waajibka loo igmaday.’