Xoggo hoose oo ay heshay Khaatumonews.com ayaa waxa ay sheegayaan in meel xasaasi ah ay marayso xiisadaha doorashada madaxtinimada Puntland oo loolan adag ay ugu jiraan musharaxiin dhan 21 musharax oo xilka madaxweynaha u taagan.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Musharaxiinta tartamaya ayaa waxaa kamid ah madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo war war xoogan ka muujinaya in ay kusoo baxaan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland.

Musharaxiinta loolanka adag kula jira ee Gaas ka wal walsan yahay in ay kusoo baxaan ayaa waxaa kamid ah Gen. Khaliif Ciise Mudan, Gen. Asad Diyaano, Dr. Cali Ciise Cabdi iyo sidoo kale Saciid Cabdullaahi Deni.

Xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa goor dhow ka bilaaban doonta doorashada madaxtinimada Puntland, waxaana Gaas iyo xulafadiisuba ay wadaan qorshe ka dhan ah musharaxiinta kale.

Musharaxiinta sida weyn uga soo horjeeda sii joogitaanka xafiiska madaxtooyada madaxweyne Gaas ayaa iyaguna Gaashaan Buur xoogan samaystay halka qaarkood ay xooga saari doonaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen labada dhinac.

Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xooga saaraya haatan in uu noqdo mar kale madaxweynaha Puntland, waxaana wareegyada labaad iyo saddex uu ka wal walsan yahay in ay kusoo baxaan qaar kamid ah musharaxiinta ciidamada ah oo si weyn uga soo horjeeda.