Deg Deg:Qaramada Midoobe Go aan Aargoosi ah Ku Dhawaaqday

Qarammada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay yareynayso shaqaalaheeda ka jooga Soomaaliya, kadib markii Hoobiye lagu weeraray 1-dii bishan xaruntoodii Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen 3 xubnood u shaqeynayey iyo qandaraasleyaal la shaqeeyaba.

Qarammada Midoobay waxay xaqiijiyeen  in masuuliyiintii loo xilsaaray dhacdadii weerarku ay go’aamiyeen in la xaddido  shaqaalaha ka jooga Muqdisho.

Waxa kaloo ay  Qarammada Midoobay   tilmaantay in hawl-wadeenno lagu waday inay Axadii tagaan Muqdisho lagu war-geliyey inay si ku meel-gaadh ah iskaga joogaan Nairobi ee dalka Kenya, sidoo kale hawlwadeenno kale  oo ay u qorsheysnayd inay Isniinta maanta u safraan Muqdisho ayaa  iyagana la faray  inay iska  sii joogaan  Nairobi.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii ay soo baxeen tuhun la xidhiidha in dawladda Soomaaliya ay ka dambeyso weerarka lagu bartilmaameedsaday xarunta UN-ka ee Muqdisho.

Waxa kaloo walaacan dhaliyey in isla maalintii la weeraray xafiiskooda ay dawladda Soomaaliya soo saartay go’aankii ay dalka loog mastaafurisay Wakiilkii Qarammada midoobay Nicholas Haysom