Deg Deg:-Muuse Biixi Oo Wadnaha Farta KU Haya kana cabsi Qaba afar Musharax,

Garoowe{Khaatumonews}Xili maalinta beri ah ay ka dhici doonto xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe doorashada madaxtinimada Puntland ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyey qabsoomida doorashadaasi madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka socday dowladda dalka Ingiriiska oo maalintii shalay ahayd soo gaadhay magaalada Hargeysa.

Kulan saacado qaatay oo dhex maray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubahani wasiirada ah ee ka socday dowladda Ingiriiska ayaa waxaa lagu fala guray arimo ay kamid yihiin xidhiidhka kala dhaxeeya Somaliland dowladda Ingriirska iyo sidoo kale arimaha doorashada Puntland oo walaac xoogan ku haya xukuumadda Biixi.

Wasiirka Gaashaandhigga Ingiriiska oo kulankaasi qayb ka ahaa ayaa warbixin la xidhiidha xiisadaha weli ka aloosan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ka dhagaystay madaxweyne Biixi, waxaana labada dhinac ay falanqeyn ka yeesheen natiijada ka dhalan karta doorashada Puntland oo dhici doonta maalinra beri oo Talaado ah.

Wasiirrada arimaha Dibedda iyo Gashaandhigga ee dowladda Ingiriiska ayaa uga digay madaxweynaha Somaliland xiisad dagaal oo mar kale dhex marta dhinacyada Somaliland iyo Puntland oo ciidamadoodu weli isku hor fadhiyaan deegaanka Tukaraq isla markaaasna marar badan kuwada dagaalamay.

Muuse Biixi Cabdi oo haatan xooga saaraya sidii uu dib ugu celin lahaa ciidamada Somaliland deegaanka Gambadhe ee gobolka Sool ayaa ka wal walsan in ay kusoo baxaan doorashada Puntland afar musharax, kuwaas oo rajo beel ka dhigi kara maamulkiisa.

Gen. Khaliif Ciise Mudan, Gen. Asad Cabdullaahi Cismaan (Diyaano),.Dr C/wali Gaas iyo Dr. Cali Ciise Cabdi oo kamid ah musharaxiinta loolanka adag ugu jira qabashada xilka madaxtinimada Puntland ayaa Muuse Biixi diiradiisu saaran tahay, maadaama aysan Somaliland dagaal ka fursan doonin hadii ay soo baxaan musharaxiintaasi midkood.

Gen. Khaliif Ciise Mudan iyo Gen. Asad Cabdullaahi Cismaan (Diyaano) ayaa kamid ah musharaxiinta dagaalka adag kala hor imaan doona ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool, waxaana sidoo kale meesha aan ka maqnayn C/wali gaas oo mowqif adag ka taagan xaalada gobolka Sool halka Dr. Cali Ciise Cabdi oo ah musharax kasoo jeeda gobolka Sool uu isna ku doodayo in Somaliland ay xoog ku haysato gobolkaasi taas oo sababi karta dagaal ka dhex qarxa Somaliland iyo Puntland hadii uu noqdo hogaamiyaha Puntland Shanta sano ee soo socota.

Maalinta beri ah ayey Garowe ka dhici doontaa doorashada madaxtinimada Puntland, waxaana Somaliland ay heegan xoogan haatan galisay ciidamadeeda ku sugan deegaanka Tukaraq iyo guud ahaanba gobolka Sool oo laga yaabo in mar kale fooda la isku daro.