Deg Deg Daawo:Kala iibsiga Barlamanka Puntland OO Caawa Maraaya Heer Waali ah iyo Afarta Musharax Ee Ugu Cadcad,

Garoowe{Khaatumonews}Waxaa cirka sii galaya marba marka kasii dambaysa sixirka gor gortanka ah ee codadka xildhibaanada Baarlamaanka Puntland halka musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland ay iyaguna loolan adag ugu jiraan kala ororsiga xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Musharaxiinta qaarkood ayaa la sheegay in halkii cod ay ku bixinayaan lacag dhan 80 Kun oo Dollar halka qayboodna ay sare u sii kiciyeen suuqa kala iibsiga xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Musharaxiinta dhaqaalaha ugu badan ku bixinaya codadka xildhibaanada ayaa waxaa kamid ah Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo ah musharax madaxweyne isla markaasna muddo Shan sano ah hogaamiye ka ahaa Puntland, Dr. Cali Ciise Cabdi oo khabiir dhanka dhaqaalaha ah isla mar ahaan taana kamid ah aqoon yahanada Tijaarta ah, musharax Khaliif ciise mudan oo isna ah Sarkaal iyo Gen. Asad Cabdullaahi Cismaan (Diyaano) oo Boqolaal Kun oo Dollar ku hafinaya xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Ascaarta suuqa codadka xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hada 80 ilaa 100 Kun Dollar, waxaana warar hoose oo dhanka madaxtooyada Gaas aan ka helayno iyana ay sheegayaan ilaa sixirka suuqa xildhibaanadu uu dhankooda kasii laba kaclaynayo.

Xiisadaha iyo xasaaradaha u dhaxeeya musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland ayaa cirka sii galaya, waxaana dhinac walba uu xooga saarayaa ka midha dhalinta ahdaaftiisa ku aadan hogaanka Puntland.

Gaadiidka raaxada iyo lacago xad dhaaf ayaa xildhibaanada la dul dhigay, waxaana musharax walba uu wadaa sidii uu meesha uga saari lahaa kan kale.