Deg Deg Daawo:Eng camey Kabaha La Dulmaray Gaas,

Madaxweynaha Puntland Eng. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay) oo kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka oo haatan khudbad ka jeediyey Hoolka Baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay arimo badan oo ay kamid yihiin xaaladihii Puntland ugu dambeeyey iyo dagaaladii sababay khasaarayaasha xoogan ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo uu sheegay in uu u guulaystay Mr. Camay damintoodii iyo in heshiis rasmi ah laga gaadhay colaadii dheeraaday ee u dhaxaysay dhinacyada Puntland iyo Galmudug oo uu sheegay in uu ka dambeeyey damintooda colaadaasi.

HaLAKAN KA DAAWO VIDEO

Eng. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay) ayaa sidoo kale ka hadlay dagaaladii adkaa ee lala galay kooxaha Daacisha iyo Al-shabaab, waxaana uu sheegay in Puntland iyo ciidamadii uu hogaaminayey ay guulo wax ku ool ah ka gaadheen dagaaladaasi.

Dhanka dibu xoreynta gobolka Sool ayuu ka hadlay, waxaana uu sheegay in mowqif adag uu ka leeyahay arintaasi halka abaarihii Puntland ka dhacay uu sheegay in uu ka qayb qaatay gaadhsiinta deeqihii loogu tala galay dadkii ay saameeyeen abaaharaasi.

Adeega JPLG ee dhismaha wadooyinka Puntland ayuu sheegay in uu hoostago xafiiskiisa isla markaasna deegaano badan ay ka faa’iidaysteen adeegaasi.