Deg Deg Daawo Video:Maamulka Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Wefti Uk Ah Soo Gaadhay Hargaysa.

Waxaa  magaalada Hargeysa socdaal aan horey loo sii shaacin ku tagay Xoghayaha Difaaca Dowlada Britain Gavin Williamson iyo wafdi uu hogaaminayay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wafdigan ayaa Hargeysa soo gaadhay kadib markii ay soo dhammaatay dhawaan Baadhis Ingiriisku hore uga dalbaday Sirdoonka itoobiya inay kala shaqeeyaan.

Baadhistaasi oo ku wajahan warbixino kala duwan oo ka dhan ah ciidamada militeriga Somaliland kuwaasi oo loo haysto inay qayb ka noqdeen dagaal beeleedyo dhacay, islamarkaana ay laayeen dad rayid ah.

Baadhistaasi oo sidda wararku sheegayaan soo dhammaatay dabayaaqadii bishii September ee 2018 ayaa waxaa Xoghayaha Difaacu imaatinkiisa kala hadlay xukuumadda.

Xogahayaha Difaaca Ingiriiska  ayaa  Kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Militariga.

Dawladda Ingiriiska ayaa Somaliland ka taageerta dhinacyada Caafimaadka iyo waxbarashada, tababarada iyo taageerada ciidamada.

Kulanka ayaa gabo gabadii kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dhinac.