Deg Deg Daawo LIVE Qudbada Musharixiinta Puntland,

Mudanayaasha cusub ee Golaha wakiilada Puntland ayaa Isniinta saaka ah dhegaysanayaa khudbadaha ay jeedinayan murashixiinta xilka madaxtinimada Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Murashixiinta oo ka kooban 21 murashax madaxweyne 11 murashax madaxweyne ku xigeen ayaa maanta jeedinaya khudbadaha waxqabadkooda iyo ballanqaadyadooda si ay u soo jiitan xildhibaannada codaynaya.

Xarunta Baarlamanka ayaa waxa haatan ka soocta dhegaysiga khudbadaha murashixiinta oo soo bilaabatay saacadihii hore ee saaka oo Isniin ah.

Maalinta berri ah oo ku beegan Talaada 8-da Jannaayo 2019 ayaa la qorsheeyay, in ay doorashadu dhacdo,waxaana wareegga labaad u baxaya saddexda murashax ee ugu codad badan,halka wareega saddexaad ay noqonayso cod-dheeri,sida ku xusan habraaca doorashada.