War Deg Deg Ah:-Dagaal Ka Dhacay Gudaha Garoowe Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac

Wararka hada naga soo gaadhaya xabsiga weyn ee magaalada Garowe ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal culus uu ka socdo gudaha xabsigaasi.

Dagaalkani ayaa bilowmay sida la sheegay kadib markii kooxo kacdoon wada ay weerar ku qaadeen xabsiga weyn ee magaalada Garowe oo ku yaala duleedka magaalada Garowe, ,

Khasaaraha ka dhashay Dagaalkan ayaa Ugu yaraan ilaa 5 qof oo ka kala tirsan ciidamada ilaalada ka ahaa xabsigaasi iyo maxaabiistii ku xidhnayd ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ilaa 7 kale.

Wixii Soo Kordha Kala soco Khaatumonews.com