Garoowe{Khaatumonews}Xili maanta ay si rasmi ah u bilaaban doonto diiwaan gelinta musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland isla markaasna musharaxiinta qaarkood ay ku dhawaaqeen in ay ka tanaasuleen hankoodii madaxtinimada Puntland ayaa waxaa isa soo taraya musharaxiinta iyagu tanaasulaya
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Musharaxiin badan oo isku garabka ah ayaa qaarkood ay ku dhawaaqi doonaan in ay ka tanaasuleen xilka madaxtinimada Puntland oo doorashadiisu ay dhici doonto 8-da bishani January ee sanadkan 2019, waxaana qaarkood ay haatan wadaan olole xoogan oo ay kusoo saarayaan musharaxiin kale.
Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali iyo musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland ayaa qaarkood uu ka helay garab kadib markii ay ku biireen kooxdiisa oo wada qorshe ka dhan ah musharaxiinta ciidamada ah.
Gen. Khaliif Ciise Mudan, Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Morgan), Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) iyo Gen. Asad Cabdullaahi Cismaan (Diyaano) ayaa iyaguna wada olole xoogan oo ka dhan ah kooxda madaxweyne Gaas oo ay ku jiraan musharaxiin badan oo Qurbo joog ah, waxaana garab walba uu xooga saarayaa in uu meesha ka saaro kan kale.
Xiisadaha siyaasadeed ee Puntland ayaa sii xoogaysanayey muddooyinkii ugu dambeeyey, waxaana dhinacyada loolanka adag ugu wada jira qabashada xilka madaxtinimada Puntland uu mid walbaaba wadaa qorshe uu meesha kaga saarayo kan kale, hasa yeeshee xildhibaanada Baarlamaanka oo wajiyo cusub u badan ayaan kalsooni dheeraad ah lagu qabi karin waana arinta walaaca xoogan ku abuurtay musharaxiin badan oo hankoodu ahaa hogaaminta Puntland.
