Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo Iyo Isimada Habar Gidir Maxay Kawada Hadlen?
Muqdisho{Khaatumonews}Warar hoose oo lagu kalsonaan karo aan ka helnay ilo u dhow dhow xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa shegaayo in madaxweynaha kulamo la qaatay qaar kamid ah nabadoonada beesha Habagidir.
Nabadoonadaan oo qaar kood kamidyihiin kuwa soo xulay ergada soo dooratay xildhibaanada kasoo jeedo beesha habagidir ayaa lasheegayaa in madaxweynaha u gudbiyay dacwo kadhan ah xildhibaanada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lasheegayaa in nabadoonada oga dacwoodo xildhibaanda beesha habagidir oo u badan kuwa mucaarad ah kana tirsan xisbiyada siyaasada.
Farmaajo ayaa lasheegay in caqabad xoogan ku qabo siyaasihiinta habagidir oo xiligaan ah kuwa mucaarad ah wallow shaqsiyaad beeshaas katirsan qeyb kayihiin xukumada Xasan Cali Kheyre.
Isku soo wada duub madaxweyne Farmaajo ayaa cadaadis xoogan kala kulmo xildhibaanada udhashay beelaha soomaaliyeed gaar ahaan beelaha Abgaal iyo Habagidir oo xildhibaanadooda u badan kuwa mucaarad ah lana safan xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud.
