Deg Deg:Faroole iyo C/wali Gaas OO Garoowe ku kala Adkaaday iyo Diyaarad Xamar Ka Soo Duushay La Celiyay.

Garoowe{Khaatumonews}Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda deegaanada Puntland isla markaasna booqasho maanta ku iman lahaa gudaha magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa waxa ay sheegayaan inay baaqdeen waftigaasi oo qorshahoodu ahaa in kasoo kici timaan magaalada Muqdisho.

Waftigani qorshaynayey in ay yimaadeen magaalada Garowe ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo dhalasho ahaan kasoo jeeda deegaanada Puntland, waxaana uu noqday safarkoodii Garowe maanta mid baaqday kadib markii madaxweyne Gaas uu ku adkaystay mowqifkiisii ka dhanka ahaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee u soo safraya Garowe.

Senetor Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo kamid ah shakhsiyaad hor boodayey in ay yimaadaan waftigani deegaanada Puntland ayaa kula taliyey wasiirka iyo waftigiisaba in ay yimaadaan Garowe isla markaasna aysan dhag u jalaqsiinin go’aanka xukuumadda Gaas ee ka dhanka ah dowladda federaalka Somalia.

Dhanka kale Masuuliyiinta Diyaarada Iskalaha ayaa ku adkeestay in Aysan xi muquuqinin ah ku tagi karin Garoowe kaliyana ay duli karan iyagoo ogolaansho ka haysta maamulka Gobolkaasi.

Waxaan jeclaysanay in aan doorashada Puntland goob joog ka ahaano balse xukuumadda Gaas ayaa digniino kasoo saartay dowladda federaalka Somalia iyo xubno ka socda aysan ka tagi karin Garowe, Faroolena waa in aad khasab ku timaadaan ayuu dhahay balse anaga oo naxayna shacabka Puntland waan baajinay safarkayagii Garowe” Sidaasi waxaa yidhi mid kamid ah saraakiisha ku wehelinaysay safarkii baaqday ee Garowe wasiir Cawadd.

Xiisadaha Puntland iyo dowladda federaalka Somalia ayaa sii xoogaysanayey maalmihii ugu dambeeyey, waxaana xaalku hada u muuqdaa mid sii cakirmaya marka laga eego dhinacyo badan.