Deg Deg:Wararkii Ugu Danbeeyay Saaka iyo Doorashada Puntland,

Wararkii ugu dambeeyey ee Warbaahinta Khaatumonews.com uu ka helayo xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in maanta la dooran doono xubnaha u matali doona xildhibaanada Baarlamaanka Puntland doorashada madaxtinimada.

Gudida doorashada Puntland ayaa ka koobnaan doona 4 xubnood, kuwaas oo maanta oo Sabti ah xildhibaanadu ay dooran doonaan gudoomiyaha gudidaasi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa maalintii shalay oo ahayd Jimce waxa uu sheegay markii ay soo dhamaatay doorashadii gudoonka Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen in xildhibaanadu ay dooran doonaan gudida doorashada madaxtinimada Puntland isla markaasna Sabtida ay u taalo shaqo adag.

Musharaxiinta ku loolamaya xilka madaxtinimada ayaa xooga saaraya haatan sidii ay u shukaansan lahaayeen xildhibaanada oo codad ay ugu heli lahaayeen, waxaana musharax walba uu bartilmaameedkiisu uu yahay helida xildhibaano ku filan si doorashada uu guul uga gaadho.