Waxaa haatan lasoo gaba gabeeyey doorashadii gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland, waxaana ku guulaystay Ismaaciil Maxamed Warsame oo helay codad dhan 45 cod.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Siciid Macali Daahir oo la tartamayay gudoomiye Ismaaciil ayaa isna helay 14 cod oo kaliya halka C/raxmaan Diiriye Carab uu helay 7 cod.
Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa xilalka kala wareegay isla maanta Xuseen Xaaji Yaasiin (Xaaji Waal) oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii labaad ee hore ee Baarlamaanka Puntland, waxaana haatan socota khudbado lagu soo gaba gabaynayo doorashadii saaka ka bilaabatay Hoolka Baarlamaanka Puntland.