Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed) ayaa ku guulaystay doorashada guddoomiyaha Golaha wakiilada dowladda Puntland,sida uu ku dhawaaqay GKMG ee Baarlamanka,Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxaa ku tartamay laba murashax oo kala ah; Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed) iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed,kuwaasoo ka soo gudbay wareeggii kowaad.
Cabdixakiin Dhoobo-dareed ayaa wareegga labaad helay 43-cod halka Cabdijamaal Cismaan uu helay 23-cod sida uu shaaciyay guddoomiyaha GKMG ee Baarlamanka,Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye.
Ugu Danbayn Dhinaca kale,doorashada guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha wakiilada Puntland ayaa loo doortay Abukaate C/casiis Cabdullaahi Cismaan oo ku guulaystay codad dhan 38 cod.
Abukaataha oo kamid ah xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa hogaanka u hayn doona muddo Shan sano ah Baarlamaanka Puntland, waxaana haatan hor yaala shaqooyin badan oo la xidhiidha sharci dajin iyo la jaan qaadida siyaasada xukuumadda cusub oo doorashadeedu dhici doonto 8-da bishani January ee 2019.