Isimada SSC Oo Labo Mid Door Biday Dhiiga shacabka iyo raali Galinta Puntland

Xalay saq dhexe ayaan Daawaday Muqaalka Garaad Saleeaban garaad Maxamed, Suldaan Siciid Cali .garaad Cabdirisaaq garaad Soofe.

Markan arkay Kulanka Isimada intaanan Daawan waxaan is weydiiyay Tolow Maxay ka hadlayan Oo ma markalay Baaq Garoowe uga dirayan beelaha Gobolka Cayn isku Dilaya.

Hadiise Aan Furay Muqaalkii Waxaan Daawaday Isimada oo Isku jiibinaya Oo raali galinaya Puntland kana raali galinaya Hadal Ka soo yeedhay garaad Saleebaan oo ahaa waxaan Aadaya Somaliland hadii la ii’yeeli waayo Saan Jeclahay.

Nasiib daro waxaan is weydiiyay Buuhoodle iyo Deegaanada ku Xeeran waxaa Ka dhacay Dilal dhimasho gaadhaysa ilaa sadex qof waxaana isku Hub urursanaya Beelaha Maxamuud Barkad iyo cali Gari Axmed ,waxaan is idhi tolow Isimada IYadoo awalba ay ceeb ku ahayd inay Garoowe Tacsi iyo Baaq uga diran Dadkooda Ma waxaa kala sii cuslaaday Dhiiga Dadkooda Raali galinta Puntland?

Maahmaah Soomaaliyeed ayaan Xasuustay Oo ahady’Dhidar xabaallo qoda, qudhun buu uga dhacaa’Isimadan Waxay Garoowe Jooganba Mahaday Dhiiga Dadkooda oo Qubanaya Raali galiyen Puntland!!

Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegan.’Anigan Ku Talax Tagayn Xaalada Hada isimmadani ku sugan yihiin Waxaan Ku soo Koobaya Hadalkeyga Xaflada Garowe iyo Doorashada Garoowe Waxaa ay u taal isimada majeerten idinka Ma idinla Haboon tahay Kolay Horeba ugu fashilanten Inad Dhiiga umadiina soo kala dhex Gashan?

By Cabdinuur Artan