600 War Deg Deg ah:Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobe Oo Maanta Kulan Ka Yeelanaya Xaaladda Soomaaliya. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg ah:Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobe Oo Maanta Kulan Ka Yeelanaya Xaaladda Soomaaliya.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe, ayaa kulankooda sanadlaha ahaa maanta ku yeelanaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka, kulankooda, ayaa qabsooma sanadkasta bilowgiisa, kaasoo looga hadlo xaalada guud ee Somaliya.

Xubnaha Golaha Amniga, ayaa Warbixin ka dhageysan doona Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobe Haysom, kaasoo maalin ka hor loo jaray warqad loogu sheegayo inaan dalkan laga rabin oo uu isaga tago.

Inkastoo kulanka maanta uu ahaa mid hore u sii qorsheysnaa, ayaa hadana waxa uu ku soo beegmay xili xaalada Siyaasadeed ee dalkan ay tahay mid kacsan, maadaama Xerada Xalane ee Qaramada Midoobe salaasadii shalay lagu weeraray Madaafiic todobo xabbo ahaa.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya Talaadadii, waxey go’aan culus ka soo saartay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, saacado kaddib markii uu soo saaray warqad uu ku dalbanayo in sharaxaad laga bixiyo dhacdooyinkii ka dhacay Baydhabo iyo xariggii Mukhtaar Roobow, kaasoo loo diray Wasiirka Amniga.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ergeyga Qaramada Midoobey Amb. Nicholas Haysom aan laga rabin dalka, kana shaqeyn karin, taasoo macnaheeda tahay in dalka laga eryay (Persona Non Grata)

Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu jabiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobey, si bareer ahna u farageliyay Madax bananida Soomaaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub,
- Jan 21, 2021
Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ...
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...