War Deg Deg AH:C.wali Gaas Oo Xidhay Gudoomiyihii Gobolka Sool

Wararka Warsidaha Khaatumonews uu hada ka helayo xabsiga dhexee magaalada Garowe ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhoweyd xabsiga loo taxaabay gudoomiyihii hore ee gobolka Sool Abukar C/raxmaan Gelle (Bilidhig), kadib markii madaxweyne Gaas uu amar ku bixiyey in xabsiga loo taxaabo.

Abukar C/raxmaan Gelle ayaa la sheegay in sababaha dambeeya xadhigiisa loo aanaynayo aflagaado iyo qoraalo ka dhan ah madaxweyne Gaas oo uu ku baahiyey baraha bulshada.

Ciidamada amaanka Puntland oo ku hubaysan gaadiid dagaal ayaa la sheegay in gudoomiyaha ay xabsiga u taxaabeen, waxaana xadhigiisa ka dhalatay xiisad hor leh.

Si Kastaba ha ahaate Xadhiga Ex Gudomooye Abukar C/raxmaan Gelle (Bilidhig), ayaa imaanaya xili uu maalmo ka hor Iska casilay Xilkaasi.