600 Deg Deg:Golaha Maamul-goboleedyada soomaaliya Maxay ka dhehen Go aanka Lagu Eryay Ergeyga Qaramada Midoobay, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Golaha Maamul-goboleedyada soomaaliya Maxay ka dhehen Go aanka Lagu Eryay Ergeyga Qaramada Midoobay,

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin qoraalkii Ergeyga Qaramada Midoobay,Nicholas Haysom ee ahaa xaqiiqo raadinta falkii ka dhacay Baydhabo.

Golaha ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay si mas’uuliyad-darro au uga jawaabtay qoraalka Ergeyga ee ku saabsanaa xaqiiqo raadinta arrimihii ka dhacay Baydhabo,waxaana ay jawaabta xukuumadda ku tilmaameen mid ka fog danta umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Golaha ayaa ka horjeestay go’aankii xukuumadda Federaalku ay dalka uga ceyrisay Ergeygii gaarka ahaa ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,Mr Haysom,iyagoo go’aankaasi ku sheegay mid lagu fududaaday.

“Goluhu markii uu arkay marxalada Amni iyo Siyaasadeed ee uu marayo dalku ayuu si buuxda uga soo horjeestay war saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliya 01 Jan, 2019 ee Dalka looga eryey Ergayga Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom, waxuuna Golaha Iskaashigu ku tilmaamayaa go’aan lagu fududaaday” ayaa lagu yiri qoraalka GIDG.

Ugu dambeyntii, Golaha Iskaashiga ee ay ku midaysan yihiin saddexda Dowlad Goboleed ee Puntland,Jubaland iyo Galmudug ayaa beesha Caalamka ka codsaday in aysan joojin taageerada ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
DAAWO:-Horgal Qambi Oo Ka Hadlay Ninkii Habar Jeclo Duleedka Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 22, 2021

Deg Deg:Geeli Habar Jeclo laga Dhacay Oo La qabtay,
- Jan 22, 2021
Waxgaradka Buuhoodle, ayaa soo qabtay geel Laga dhacay Beesha Habar Jeclo oo dhawaan geelaas ...
Hadeer waxaa hadhay in dadka iyo masaajidada la iibsado marka la eego waxa ka socda laascaanood
- Jan 22, 2021
Laascaanood maanta waxay maraysaa halkii ugu xumaa waxaa biloday in la iibiyo dhulkii danta ...
Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub,
- Jan 21, 2021
Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ...
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021