Wararka Warsidaha Khaatumonews uu hada ka helayo xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen diyaarinta doorashada gudoonka Baarlamaanka Puntland oo maalmaha soo socda ka dhici doonta Hoolka Baarlamaanka.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod gacan taag ah waxa ay u qaadeen xildhibaano badan oo ku loolamayey xilkaasi, hasa yeeshee ugu dambeyntii ayaa waxa ay si rasmi ah ugu doorteen gudoomiyaha doorashada gudoonka Baarlamaanka Puntland xildhibaan Ismaaciil Cabdi Abtiile.

Qaban qaabada doorashada gudoonka Baarlamaanka ayaa ka socota gudaha magaalada Garowe, waxaana xildhibaanadu ay dooran doonaan gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeenka ugu dambeyn ilaa Afarta bishani January halka Sideedana la dooran doono madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Doorashada cusub ee Puntland ee ka dhici doonta sanadkani 2019 ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana loolan adag musharaxiin badan ay ugu jiraan qabashada hogaanka Puntland Shanta sano ee soo socota.