War Deg Deg ah:300 Sarkaal Oo Garoowe Shir uga Socdo,

Gaaroowe{Khaaatumonews}Waxaa haatan ka socda gudaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kulamo iyo shirar ka socda u dhaxeeya saraakiisha ciidamada difaaca Puntland, kuwaas oo ku aadan doorashada madaxtinimada Puntland.

Hotelka City View oo ku yaala magaalada Garowe ayaa inta badan kulamadani ay hada ka socdaan, waxaana ku kulansan ilaa 300 oo sarkaal oo kamid ah ciidamada difaaca Puntland.

Qaar kamid ah saraakiisha kulankani qaybta ka ah ayaa ka dalbaday xildhibaanada Baarlamaanka Puntland in ay soo doortaan madaxweyne iyo ku xigeen daacad ah oo shacabka Puntland si cadaalad ay ku jirto ugu adeega.

Saraakiisha ayaa xildhibaanda ugu baaqaya in aysan dooran shakhsi Qurba joog ah balse laga doonayo in ay shacabka u dooraan shakhsi u qalma hogaanka Puntland isla markaasna u cadaalad fala.

Kulankani oo noqonayaa kii ugu balaadhnaa ee ay yeeshaan saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arimaha doorashada Puntland oo muddo Shan maalin ah oo kaliya inaga xigto