Shabaab Hub Badan Sita Oo Lagu Arkay Saaka Iyagoo Weerar Isku Diyaariyey & Dawlada Oo Dhabar Jebin Sameysay

Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa saaka waxay ka hortegeen weerar Al Shabaab kusoo qaadaan Degmada Qoryooleey Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Ee Jooga Aagga Qoryooleey waxay ku waramayaan in laga hortegay Duulaan weerar ah oo ay Shabaab doonayeen inay ka geystaan Degmadaasi.

Kudhawaad Lix Tuulo oo hoos yimaada Degmada Qoryooleey ayey Ciidamada Meliteriga Soomaaliya isku fidiyeen si ay ubaajiyaan Weerarka ay maleegayeen Al Shabaab.

Dad kusugan Deegaanada Qoryooleey kudhaw waxay arkeen Shabaab tiro badan oo Hub wata kuwaas oo isku diyaarinayey weerarida Degmada Qoryooleey oo AMISOM iyo Ciidanka Dawlada kusugan yihiin.

Ma jirin wax iska cabin ah oo dhexmaray Ciidamada Dawlada iyo kuwa Shabaabka ee weerarka soo qaadi rabay,xaaladuna waa ay deggan tahay,ciidamada Meliteriga ayaana baaritaan amni xaqiijin ah ka wada dhowr tuulo oo Qoryooleey Hoos taga.