Dalka kasta wuxuu xaq u leeyahay dublumaasiga ama ergayga aanay markaa la dhacsanayn in ay ka codsan karaan in uu dalkooda iskaga baxo, isla markaana la socodsiiyaan dalkii soo dirsaday.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Inta la hubo waxaa laba jeer dalkooda ka eryey shaqaale ka socda Qaramada Midoobay ee uu soo diro had iyo jeer xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay dalka Suudaan 2006dii waxay dalkooda ka eryeen Ergaygii ka socday Qaramada Midoobay, sanadkii 2014kii dawlada Sudaan waxay dalkeeda ka eriday laba sarkaal darajadooodu saraysay oo u shaqaynayey Qaramada midoobay.

Labada jeerba Suudaan waxay sheegtay in madaxda Qaramada Midoobay soo fara galiyeen arrimo ka baxsan shaqdooda, labada jeerba qaramada midoobay way canbaaraysay talaabada ay qaaday xukuumada Suudaan.

Xidhiidhkii Suudaan iyo qaramada midoobayna wuu xumaaday muddo.

Israa’iil ayaa 2014 eriday ergaygii Qaramada Midoobay ee dhinaca nabad galyada waxayna ka saareen dhulkay maamulaan.

Sanadkii 1948 waxaa lagu dilay Qudus daanteeda galbeed ergaygii Qaramada midoobay, isaga oo dhex dhexdhexaadinaya Falastiiniyiinta iyo Yuhuud.

Dawladd kasta xaq ayey u leedahay dalkeeda qofka aanay doonayn in ay ka saarto, arrintan Soomaaliya ka dhacdayse ma la odhan karaa qaab kale oo ay xukuumaddu arrimahan u maarayn karaysay intaanay go’aankan qaadan degdeg ah.

Dhammaan dalalkan go’aanka ka gaadhayey ergayga Qaramada Midoobay wax raad ah kuma lahayn hawl maalmeedkooda dhaqaalana maysiinayn , arrinta Soomaaliya se waa ka duwan tahay dalalka kale, oo xilligan in uu xidhiidhka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay xumaado dani kuma jirto, ergayguna waaba cusbaa.

Waxaase aanu shaki ku jirin in go’aankani ahaa go’aan ku dhiirasho iyo geesinnimo ismiidaamin ku dheehan tahay lagu fuliyey, dadka qiiradu ku badan tahayna dareenkooda kiciyey, waxaase isla markaana xaqiiqo ah in dalkaba gacanta ay ku hayso Qaramada Midoobay, Waxaan isaguna wali ka hadlin arrintan xoghayaha Qaramada Midoobay, waana arrin qaabkuu uga hadlaaba miisaan keeda leedahay.