Gudiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland ayaa saaka dhaariyay xildhibaano cusub ee golaha wakiilada Puntland.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Dhaarinta xildhibaanada ayaa haatan ka socota hoolka xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe.
Xildhibaanada la dhaarinaaayo ayaa ka kooban 65 rag ah iyo hal dumar ah iyadoona ay noqonayaan xildhibaanada ugu tirada dumarka yaraa ee Puntland ay yeelato mudo haatan laga joogo 21 sano.
Habeenimadii xalay ayay ahayd markii ay gudiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland ay ku dhawaaqeen liiska xildhibaanada Baarlamaanka Puntland iyadoo ay saluug ka muujiyeen liiska qeybo badan oo kamid ah haweenka Puntland maadama xubin dumar ah kaliya ay kasoo muuqata liiska.
