600 Deg Deg:Galmudug Oo Bahdishay Wasiiro Farmaajo U Diray Colaada. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Galmudug Oo Bahdishay Wasiiro Farmaajo U Diray Colaada.

Cadaado{Khaatumonews} Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafti uu hoggaaminayey oo gaaray degmada Galinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa loo diiday in lagu wareejiyo ciidan Itoobiyaan oo ay soo qabteen malayshiyo beeleed.

Labo askari oo Itoobiyaan ah ayaa shalay galinkii dambe waxaa lagu wareejiyay waxgarad ka yimid dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana maxaabiistaasi wareejiyay waxgarad ka socday degmada Galinsoor iyo wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug.

Waftiga dowladda Soomaaliya ay u dirtay xalinta dhibaatada ka taagan deegaanka Kaxan Dhaale ayaa dib ugu soo laabtay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale maanta ay deegaanka Kaxan Dhaale ay dhici doonto munaasabad ay garwadeen ka yihiin waxgaradka dowladd deegaanka Soomaalida oo lagu wareejinayo hub ay leedahay dowladda Itoobiya oo Galmudug lagu haystay.

Masuuliyiintii dowladda Soomaaliya ay u dirtay deegaanka Galinsoor ayaa ku guul daraystay in ay weli xal ka gaaraan labada dhinac, waxaana muuqata in waxgaradka labada beelood ay wadaan dadaalo lagu heshiisiinayo malayshiyaadkii dagaalamay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo
- Jan 19, 2021
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka ...
Ogaysiis Ku Socda Akhristayaasha Khaatumonews.com
- Jan 19, 2021
Shabakada Caalamiga Ah Khaatumonews.com waxay dib u furtay mudo bilo ah kadib qeybaha Fariimaha ...
Dawlada Somalia Dacweysay Saraakiil Cadaan ah Oo Somaliland Safar Tuugo ah Ku Gaysay Laascaanood,
- Jan 18, 2021
Maamulka Somaliland, oo dhawaan Deegaano kamid SSC, ka bilabaay isdiiwangalinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilaha ...
DAAWO:SNM Oo Shaacisay siday ugu fashilantay Diiwangali Ka dhacda Buuhoodle iyo Lix Magaalo oo Hoostaga,
- Jan 18, 2021
Maamul Beeleedka SNM, ayaa shaaciyay sida ay ugu fashilmen Diiwaangalin maamulkaasi ka fuliyo ...
Deg Deg; Daawo Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas
- Jan 18, 2021
Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas https://www.youtube.com/watch?v=aJ5-o9ptfBA